Raadgoob.com
Ra’iisal wasaare Kheyre oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya
October 17, 2018 - Written by admin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shaqo joojin ku sameeyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda Soomaaliya Max’ed Khaliif Diiriye, kaddib warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

 Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa la ogey-siiyay wasiirka iyo Wasiiru dowlaha ganacsiga Soomaaliya, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo.

Shaqo joojinta lagu sameeyay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda Soomaaliya ayaa waxa ay ka dambeysay kadib soo jeedin ka timid xeer ilaalinta guud ee Qaranka.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa shaqo joojintan lagu sameeyay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya.

Xafiis-yada xeer ilaalinta iyo hantidhawrka ayaa maalmahan dambe waxa ay wadeen hawlgal ay kula dagaalamayaan arrimaha musuq maasuqa ee qaarkood lagu sheegay xafiisyada dowladda.

X/Hiiraan Online

COMMENTS
Latest News