Raadgoob.com
Dhaxal Sugaha Dalka Sucudiga Maxamed Bin Salmaan Oo Qarka u Saaran in Xilka Laga Qaado
October 26, 2018 - Written by admin

Boqorka Sacudi Carabiya Boqor Salman ayaa laga yaabaa inuu bedelo dhaxalsugaha Amiir Maxamed si uu u soo celiyo sharafta iyo karaamada Boqortooyada xilli ay soo wajahday qalalaase ka dhashay dilkii Jamal Khashoggi.

Jariirada DailyMail ayaa ka soo xigatay U qeybsanihii hore arrimaha Milatariga dowlada Britain dalalka Boqortooyada Sacudi Carabiya iyo Yemen,Colonel Brian Lees “Maalmaha uu xilka sii haynayo dhaxalsugaha Boqortoyada Sacudi Carabiya aad u yar tahay aabihiina Boqor Salman waxaa laga yaabaa inuu ka fekerayo sidii uu u bedeli lahaa kadib sumcad darada ka soo gaartay boqortooyada dilka Jamal Khashoggi.”

Dhaxalsuge Maxamed Bin Salman oo ah wiilka uu carruurtiisa ugu jecel yahay Boqor Salman oo 82 sano jir ah ayaa wajahaya eedeymo ah inuu ka dambeeyay dilkii Jamal Khashoggi.

Waxaana uu dhaxalsugaha oo doonaya inuu meel iska saaro arrintan dilka Khashoggi ayaa dambi oogayaasha Sacudi Carabiya waxa ay manta sheegeen in dilka saxafiga uu ahaa mid la sii qorsheeyay dadkii ka dambeeyayna su’aalo la weydiinayo.

Colonel Lees oo hore u qoray bug ka hadlayay qoyska boqortooyada Al Sacuud ayaa aaminsan in aan la awoodin in hadda la yiraahdo dhaxalsugaha waa dambiile balse Boqorka uu haysto sabab uu ugaga qaado xilka dhaxalsugaha qaladaadka badan galay mudadii koobneyd ee awoodda lagu aaminay.

“Ma aha mid lagu deg-degi karo xil ka qaadista xitaa bilaha soo socda ma dhacayso sababtoo ah taas waxa ay u muuqanaysaa in boqortooyada ay aqbashay eedeymaha loo soo jeediyay.”ayuu yiri Colenel Lees

Madaxweynaha Maraykanka Trump oo si weyn u aaminsanaa Dhaxalsugaha ayaa kamid ah haatan dadka ka aamin baxay waxana uu sheegay dhowaan in ay tahay in la ciqaabo ciddii ka dambeysay amarka lagu diley Jamal Khashoggi isagoo ula jeeday dhaxalsuge amiir Maxamed.

Si kasta ha ahaatee dhaxalsugaha ayaa ku tilmaamay falkii lagu khaarijiyay saxafiga Khashoggi mid bahalnimo ah oo ciddii ka dambeysana loo ciqaabi doono.

Waa Kuma Dhaxalsugaha Amiir Maxamed Bin Salman

Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii.

Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada.

Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan. Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada.

Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad.

Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir.

Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay.

Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano.

wakhti xaadirka la joogo sucuudigu waxa uu waja hayaa arin cakiran oo dunida oo dhani ay eegayso

COMMENTS
Latest News