Raadgoob.com
“Dunidu Anaga Ayey Nagala Tashataa SOOMAALIYA, Arinkeeda Sababtuna Way Cadahay” Eng Faysal Cali Waraabe
October 28, 2018 - Written by admin

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in adduunka uu Somaliland kala tashto arrimaha Somalia.

Feysal ayaa sheegay in Soomaaliya ay wali ku dhex jirto khilaaf iyo is qabqabsi sidaa aawgeed uu adduunka arimahaasi si hoose ugala tashdo Somaliland.

Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay dhanka Siyaasada iyo la dhaqanka bulshada adduunka uga horeyso Somalia inteeda kale taasina ay horseeday in wixii la xiriira amuuraha Somalia wax laga weydiiyo Somaliland, sida uu yiri mar uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa.

“Anagu Soomaaliya waanu ka horeynaa waayo marba haddii amuuraheedu adduunka nagala tashanayo maaha inaanu is garabtaagnaa”

“Latashiyada noocan ah waxa ay noo horseedi karan inaanu helno aqoonsi heer caalami ah, shacabkayagu waxaanu u sheegayaa inay ogaadan isbedelada ay mareyso Somaliland”.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in adduunka qudhiisa uu isku fiirsanayo iskuna eegaayo Soomaalida, balse waxa uu taa bedelkeeda tibaaxay in wakhtigu yahay mid marba marka xigta is guraya maantana aanay bari ahayn

Haddalka gudoomiyaha xisbiga ucid Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa imaanaya xili dowlada soomaaliya iyo maamul gobaleedadeedu is marin waa siyaasadeed iyo mid dhaqaale isku hayaanoo xaaladoodu ay u muuqato mid aan ka maar mayn dhex dhexaadin iyaga dhexdooda dhaafsiisan,

COMMENTS
Latest News