Raadgoob.com
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo 22-sanno kadib Daah-furtay Dib-u-eegista iyo Kaabista Sharciga Shaqaalaha Dawladda
October 29, 2018 - Written by admin

Kulan balaadhan oo ay soo agaasimeen Hay’adda Shaqaalaaha Dawladda isla markaana ay kasoo qayb-galeen; Gudoomiyaha Guddi hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Gollaha Wakiilada, Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Agaasime-waaxeedyada maamulka Cudduda Shaqaalaha iyo madaxda waaxaha Sharciga ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ayaa lagu daah-furay kaabista iyo wax ka bedelka Sharciga Shaqaalaha Dawladda Sharci Lamb. 07/96

-Intii kulanku socday ayaa lagaga wada hadlay kaabista, wax ka bedelka iyo hannaanka loo marayo ansixinta Sharciga Shaqaalaha Dawladda oo mudo 22-sanno ah u baahnaa dib-u-eegis iyo wax ka bedel si uu u noqdo mid si buuxda uga jawaabi kara xuquuqaha iyo waajibaadka Shaqaalaha Dawladda

-Iyadoo horay loo sameeyey 16 Siyaasado iyo hageyaal isugu jira oo dhamaantood la xidhiidha kor u qaaddida cudduda shaqaalaha Dawladda ayaa kaabista iyo wax-ka-bedalkan lagu samaynayo sharciga shaqaalaha Dawladdu-na noqon donnaa mid ka jawaaba baahiyaha dhabta ah ee la xidhiidha duruufaha dhabta ah ee Shaqaalaha Dawladda.

-Waxaa xaqiiq ah in hiilka iyo habaynta ugu balaadhan ee Shaqaalaha Dawladdu u baahanayeen ay kamid ahayd samaynta Siyaasado iyo Sharci u damaanad qaada helitaanka; kobcin, qiimayn, dalacaad, carbin, xuquuq, magdhaw, horumarin, tababar, xog-keydin, shaqo daadajin, jihayn IWM kuwaas oo imika dhamaantood dhamaad ku dhaw isla markaana shaqaalaha Dawladda ka dhigi doona kuwo dhan walba ka dhamaystiran

-Illaahay Fadligii waxaa si wanaagsan u socda hayaanka loogu jiro in Shaqaalaha Dawladda JSL noqdaan Shaqaalaha ugu haynta iyo haybada badan.

COMMENTS
Latest News