Raadgoob.com
Fanaan caan ah oo codsi Si layaab ah ugu diray madaxwaynaha dalka Maraykanka
October 31, 2018 - Written by admin

Pharrel Williams oo ah fanaan u dhashay dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay madaxweyne Donald Trump inuu joojiyo isticmaalka heestiisa Happy, taasoo laga ciyaaro isu soo baxyada uu Trump ka hadlo.

Maalinkii sabtida, isu imaatin ka dhacay gobolka Indiana oo uu Trump ka qeybgalay ayaa laga daaray heestaas.

Munaasabadan ayaa la qabtay saacado ka dib markii weerar lagu qaaday macbad Yuhuudda ay leedahay lagu laayay 11 qof.

Pherrel oo warqad soo marsiiyay garyaqaankiisa ayaa sheegay in aysan jirin wax farxad ah oo ku jirta in dad la laayo, Sidoo kale waxa uu sheegay in aanan ogolaansho looga haysan isaga in heesta la isticmaalo.

Garyaqaanka heesaaga ayaa sheegay in Parrel uusan Trump siinin, siina doonin ogolaanshaha isticmaalka heesta oo ah mid xuquuqdeeda ay isaga u illaashantahay.

 

COMMENTS
Latest News