Raadgoob.com
“Nabadii Salka Loo Dhigay Cidii Istiraahda Waxa yeel Suurta Gali Mayso” Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Oo Si Adag U Hadlay
November 5, 2018 - Written by admin

Ceerigaabo(Raadgoob.com) Wasiirka wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Iyo arimaha Distoorka Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan  oo maanta gaadhey magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa uu si adag uga hadley dil habeenkii xalay ka dhacay deeganka Darar Weyne ee degmada Ceel Afweyn wasiirka ayaa waxa uu ciidanka somaliland ku amaray inay soo qabtaan qofkii dilkaasi gaystay oo ay si deg deg ah u soo qabtaan Waxaanu yidhi wasiirku “Nabadii salka loo dhigay ee somaliland oo dhani isugu timi ee aanay u kala hadhin cidii maanta isku dayday inay waxa yeesho suurtoobi mayso gacan bira iyo tu dawoladeed tu shacab ayaa waxa lagaga qabanayaa” Sidaasi Waxa Yidhi Wasiir Maxamed Xaaji Aadan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warkan

COMMENTS
Latest News