Raadgoob.com
Wasiir Xilkii Uu Hayay Isaga Casilay ka Qeybgalka Doorashada Koonfur Galbeed
November 5, 2018 - Written by admin

Waxaa goor dhaw ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Wasiirka Wasaarrada Tamarta iyo Biyaha xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Ibraahim Lafta-Gareen

 Wuxuu sheegay in sababta uu xilka isaga casilay tahay in uu buuxiyo sharuudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo si gaar ah ugu mahad celiyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo u magacabay xilka Wasiirka Tamarta.

”Waad ogtihiin sharuudaha musharixiinta laga doonayo waxaa ka mid ah qof xil haya uusan ka mid noqon karin musharixiinta u taagan xilka sidaa daraadeed ayaan ku dhawaaqayaa maanta in aan iska casilay xilkii Wasiirka Wasaarrada Tamarta iyo Biyaha xukuumadda Soomaaliya” ayuu yrii Lafta Gareen,

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa warar hoose oo soo baxaya sheegayaan in uu ka socdo dhinaca dowladda federaalka,  waana mid ka mid ah musharixiinta loogu hadal heynta badan yahay marka laga soo tago Shariif Xassan Sheekh Aadan oo imika tallada haya.

Laakiin eedeyntaas waxaa beeniyay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed kuwaa oo sheegay in ay been abuur yihiin in dowladdu fara-galin ku heyso doorashada.

COMMENTS
Latest News