Raadgoob.com
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheeikh Aadan Oo Si Casilay
November 7, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed  Soomaaliya Shariif Xasan Sheeikh Aadan ayaa xilka iska casilay kaddib markii maanta uu kulamo magaalada Baydhabo kula qaatay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka arrimmaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa iscasilaaddiisa ka sheegay shir jaraa’iid uu maanta ku qabtay magaalada Baydhabo.

Maamulka Koonfur Galbeed waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka taagnayd xiisaad siyaasadeed kaddib markii ay iscaliseen qaar kamid ah saraakiisha ugu sarreyso guddiga doorashada.

Doorashada Maamulka Konfur Galbeed ayaa lagu waday in la qabto 17-ka bishan Oktoobar.

Golaha Dhaqanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay sheegay in dib loo dhigay doorashadii madaxweynaha maamulka kadib markii ay shir jaraa’id ku qabteen magaalada Baydhabo.

COMMENTS
Latest News