Raadgoob.com
Wefti Ka Soco day Xukuumada Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Laascaanood + Deeq Halkaasi Ay Gaadh Siiyeen
November 7, 2018 - Written by admin

-Wefti Balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool, si ay qayb uga noqdaan dadaalka lagu joojinayo colaad ka taagan koonfurta degmada Laascaanood.

 Weftigan oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada ayaa waxay sheegeen in muhiimada ay u socdaan ay tahay sidii wax looga qaban lahaa xaalada soo noqonoqotay ee ka taagan koonfurta degmada Laascaanood.
Gudoomiyaha gobolka Sool oo  soodhoweynta ka dib la hadlay saxaafada ayaa waxa uu yidhi “horey waxaa u  joogey xubno ka socdey Golaha Guurtida, haatana waxaa inoo yimi wasiiro  ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Biyaha, Wasiirka  Golayaasha,
W. Ku Xigeenka Warfaafinta iyo masuuliyiin kale oo  dhamaantood diyaar u ah sidii ay salka ugu dhigi lahaayeen Nabad  Waarta”.
Dhinaca kale waxaa raashin iyo alaabooyin kala duwan loo qaybiyey dadkii ay colaadu barakicisay oo dhibaato bini’ aadaninimo haysey mudooyinkii la soo dhaafay.
Deeqdan oo ah tii ugu horeysey ee dadkan soo gaadha marka laga reebo deeq dhawaan ay soo gaadh siiyeen Dawlad degaanka Itoobiya, taas oo ka koobnayd Raashin, iyo teendhooyin iyo agab kale oo muhiim u dadkan dhiban.
Halkan Hoose Ka Eeg Sawirada Deeqda Dadka La Soo Gaadh siiyay 

COMMENTS
Latest News