Raadgoob.com
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo Iyo Madaxwaynaha dalka Eritrea Oo Gaadhay Dalka Itoobiya
November 9, 2018 - Written by admin
 Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dalka Eritrea ,Isaias Afwerki ayaa goor dhow gaaray magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar.
 Markii ay gaadheen garoonka diyaaradaha magaalada Gondar , waxaa soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya.
Saddexda hoggaamiye ayaa qaadan doona shir saddex-geesood ah oo looga golleeyahay  natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay waddamada gobolka ku yeesheen magaalada Asmara ee xarunta dalka Eretrea , bishii September.
Waxaa sidoo kale la filayaa inay booqdaan mashaariicda horumarineed ee Gondor iyo Baxar-daar.
Halkan Hoose Ka Eeg Sawirada Soo Dhawaynta

COMMENTS
Latest News