Raadgoob.com
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Sameeyay Isku Shaan Dhayn Wasiiro Tun Wayn La Kacday
November 10, 2018 - Written by admin

Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiiradda, waxaanu xilkii ka qaaday wasiirkii Maaliyada Yuusuf Maxamed, halka wasiirkii arrimaha dibada Sacad Cali Shire u magacaabay wasaarada maaliyadda.

Sidoo kale, wasiirkii waxbarashada Yaasiin Farotoon waxa uu ka dhigay wasiirka Arrimaha Dibadda.

Masuuliyiintan uu magacaabay iyo kuwo uu isku bedelay waxay kala yihiin Sidan:

1.wasiirka arrimaha Dibadda waxa loo magacaabay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir farotoon.

2. wasiirka Maaliyada waxa loo magacaabay Dr:Sacad Cali Shire.

3. wasiirka waxbarashada waxa laga dhigay Cismaan Jaamac Aadan Iimaan.

4. wasiir ku xigeenka maaliyadda waxa laga dhigay Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) oo hore u ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashadda.

5. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa loo bedelay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

6. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

7. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

8. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

9. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa laga dhigay xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

10. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska waxa isna loo magacaabay xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka

Si kastaba ha ahaatee, waxay dadku aad u hadal hayaan wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire iyo wasiirka Arrimaha Dibada Yaasiin Farotoon oo lagu dhaliili jirey wasaaradaha ay joogeen iyo waliba wasiirka maaliyada oo mudooyinkii ugu danbeeyay loo soo jeedinaayay dhaliilo Fara Badan

COMMENTS
Latest News