Raadgoob.com
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Khayre Oo Wakhti Badan iyo Fakar Ku Bixiyay Tacsi Uu Diraayay + Jawaab Kulul Oo Ay Shacbka U Direen
November 10, 2018 - Written by admin

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa jawaab soo daahday ka bixiyey weerarkii aragagixiso ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo lagu dilay ku dhowaad 30 qof.

Kheyre ayaa waxay ku qaadatay 15 saac inuu war kasoo saaro ficilkaas ay Shabaabka la beegsadeen shacabka, taasi oo dad badan ay ka carroodeen.

Qoraal uu soo dhigay barta twitter ayuu ku yiri “ Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa ay argagixisadu la beegsadeen dadkeenna. Sidoo kale waxaan caafimaad u rajeynayaa dhwaacyada. Hay’adaha amniga waxaan farayaa dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimadda ee ku xusan Tubta Amniga iyo Caddaalada”

SomaliPM

@SomaliPM

Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa ay argagixisadu la beegsadeen dadkeenna. Sidoo kale waxaan caafimaad u rajeynayaa dhwaacyada. Hay’adaha amniga waxaan farayaa dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimadda ee ku xusan Tubta Amniga iyo Caddaalada.

232 people are talking about this

Daaha jawaabta ka sokow, ra’iisul wasaare Kheyre ayaan si shaqsiyan u ballan-qaadin inuu wax ka qabanayo weerarada noocan ah, maadaama isaga uu madax ka yahay golaha fulinta dowladda, wuxuuna taa beddelkeeda amar siiyey hay’adaha.

Dadweynaha ku xiran barta twitter-ka Kheyre ayaa jawaabo kulul siiyey ra’iisul wasaaraha, oo xitaa qaarkood dalbaday inuu xilka isaga dego. Hoos ka aqriso qaar ka mid ah jawaabaha.

 

COMMENTS
Latest News