Raadgoob.com
Dab qabsaday qeyb ka mid ah keydka Radio Muqdisho
November 12, 2018 - Written by admin

Waxaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in la damiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka hadalka Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya)  subaxnimadii hore ee saakay.

 Agaasimaha guud ee Wasaarradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in gar ahaan dabka uu qabsaday sida uu hadalka u dhigay qeynta keydka afafka qalaad, isaga oo intaa ku daray in qeybaha kale ee keydka wax saameyn ah ku yeelan dabkan.

Khasaaraha ka dashay dabka ma badna sida uu sheegay agaasimaha, waxaana socda baadhitaan la xidhiidha saameynta u geystay iyo waxa  sababay dabkan intaba.

Dabka ayaa imanaya iyadoo arroonimadii hore ee saakay sidan oo kale uu dab ka ka kacay maqaaxi ku taala qeybta duulimaadyda caalamiga ah ee garoonka diyaarada Aadan Cadde magaalada Muqdisho.

COMMENTS
Latest News