Raadgoob.com
60-sargaal In ka badan oo katirsanaa dowlada Itoobiya oo xabsiyo la dhigay
November 13, 2018 - Written by admin

Dowlada Itoobiya ayaa xabsiyo kuyaala dalkaada ku xidh xidhay in ka badan 60-sargaal oo dowlada katirsanaa , waxaana saraakiishan la xidh xidhay lagu eedeeyay in ay ku kaceen Tacadiyo iyo Musuq maasuq.

Xeer ilaaliyaha dalka Itoobiya Berhanu Tsagaye ayaa sheegay in saraakiishan xabsiga la dhigay kadib baaridhaano lagu waday mudo 5-bilood ah, waxa uuna sheegay in saraakiishan loo heesto tacadiyo ay geesteen.

Saraakiisha la xidh xidhay ayaa 36-kamid ah ayaa loo haystaa in ay falal xadgudubyo ah kula kaceen maxaabiis loo xidhay arimo la xidhiidha argagixisinimo iyo kuwo loo xidhay kicin qowmiyadeed, halka 27 sargaal kale loo xidhay Musuq maasuq.

Waxa uu sheegay Xeer ilaaliyaha in dhawaan xubnahan kiisaskooda loo gudbin doono maxkamada kadib mar ay maraan baadhitaano intaa ka badan si loo kala cadeeyo heerka dambiyada ay galeen xubnahan la xidhay.

Itoobiya ayaa tan iyo markii talada dalkaasi la wareegay Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed waxaa la xidh xidhay saraakiil iyo masuuliyiin xilal kala duwan soo qabtay, kuwaas oo lagu eedeeyay tacadiyo iyo ku takri fal awoodeed

COMMENTS
Latest News