Raadgoob.com
Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Oo Baahisay Kaalmo Shaqo Oo Banaanaaday ,Magaalada Ceerigaab Oo Ugu Horaysay Qaadista Imtaxaankaas
November 14, 2018 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob.com) iyada oo Mudooyinkii u dambeeyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu gacanta ku haysay buuxinta kaalmihii Shaqo ee kasoo baxay tiro-koobkii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku soo sugtay tirada rasmiga ah ee Shaqaalaha Dawladda JSL ayaa waxaa bilowday baahinta kaalmihii Shaqo si dhalinyarada dalku si siman ugu tartamaan.

Haddaba, Guddida Hay’adda Shaqaalaaha Dawladdu waxa ay tartamada ku qaban doontaa gobolada kala duwan ee dalka halkaas oo maanta la shaaciyey gobolkii ugu horeeyey ee tartaankasi ka qabsoomi doono oo ah Gobolka Sanaag caasimadiisa Ceerigaabo.

Kaalmaha Gobolka Sanaag ayeyey tiradoodu dhan tahay 210 oo u kala baxa:

137 Kaalmo Shaqo oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada kuwaas oo lagu buuxiyey natiijada Kormeerkii u dambeeyey ee Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku wada sameeyeen.

23 Kaalmo Shaqo oo kasoo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka kuwaas oo lagu buuxin doono Kormeer dhawaan Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku wada samayn doonnaan

50 Kaalmo Shaqo oo Cusub kuwaas oo imika la qaban doono tartankii loo gelayey iyaga oo tartamayaasha ku soo guulaysta ay ka shaqayn i doonaan dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda

50-kan kaalmo Shaqo ee cusub ayaa loo geli doonnaa 3-nooc oo imtixaan oo ku salaysan baahiyaha Wasaaradda/Hay’ada Dawladdeed ee banaan kuwaas oo kala ah:

1- Maamulka iyo Maaraynta “Management and Administration Exam”
2- Sharciga “Legal Exam”
3- Xisaabaadka iyo Maaliyada “Accounting and Finance”

Shuruudaha looga baahan yahay Tartamaasha ayaa ah:

1- In uu sito Shahaado Jaamacadeed oo la xidhiidha Shaqada uu Codsanayo
2- In uu soo gudbiyo CV-ga iyo Warqadii Codsiga oo ay ku cadahay shaqada uu Codsanayo.
3- In uu soo qaato Warqada dembi la’aanta
4- In uu keeno laba sawir oo kur ah
5- In uu keeno kaadhka aqoonsiga Somaliland oo goobta dhalashadu tahay meel kamid ah Gobolka Sanaag
6- In uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo meel kasta oo kamid ah gobolka Sanaag iyo hadii loo baahdo xarumaha dhexe ee Dawladda

F.G:- Waxaa xusid mudan in 50-ka Kaalmo shaqo 30% kamid ah ay noqon doonaan gabdho taasi oo ka dhigaysa saamiga tartanka in la qaadan doono 35-ka wiil ee ugu sareeya wiilasha iyo 15-ka hablood ee dhanka gabdhaha ugu sareeya.

Taariikhda Xayaysiiska:- Arbaca 14/11/2018
Taariikhda Bilowga qabashada Arjiyada:- Sabti 17/11/2018
Taariikhda ay xidhmayso qabashada Arjiyada:-Sabti 24/11/2018
Taariikhda Imtixaanka:- Salaasa 27/11/2018
Goobta Qabashada Arjiyada:- Xarunta Gobolka Sanaag

Wargelin:- Dhawaan waxaa lasoo baahin doonnaa gobolka ku xiga ee tartamadu ka dhacayaan halkaas oo gobolada dalka oo dhan tartamada shaqo ka qabsoomi doonnaan

Sharmaake Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

Raadgoobnews@gmail.com

Hargaysa Office

COMMENTS
Latest News