Raadgoob.com
Laba Askari oo katirsan ciidammada badda Puntland Oo Askir Kala Uu Dil U Gaystay
November 14, 2018 - Written by admin
 Labo askari oo ka tirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF  ayaa u geeryooday toogasho ka dhacday magaalada Boosaaso oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee ciidanka badda Puntland.
Dilkan waxaa ka dambeeyay askari kale oo ka tirsan ciidanka badda Puntland,kaddib kaftan dhexmaray askartan oo xilliga uu dilku dhacayay ku wada sugnaa goob lagu qayilo, iyadoo askariga dilka gaystay uu carooday sidaasina dilka ku gaystay, sida ay baahisay idaacadda maxalliga ah ee Daljir.
Askariga dilka geytay ayaa lagu xiray magaalada Boosaaso,majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidammada badda ee askartan ay ka tirsanaayeen oo ku saabsan dhacdadan.
Ciidammada badda Puntland ee PMPF ayaa waxaa dhaqaale ku bixiya dowladda Imaaraatka Carabta, waxaana sidoo kalle ay qayb ka qaataan dagaalka ay  Puntland kula jirto al-Shabaab iyo Daacish.

COMMENTS
Latest News