Raadgoob.com
Shacabka Somaliland oo ka biyo diidey isku shandhayinti M/biixii. Dadku maaha kii shalay dulcad xero looga dhigay.  Aragtida Jamac Hilaac.
November 15, 2018 - Written by admin

Waxa ay ahayd 10kii bishan November marki shacabka S/land meel kasta oo ay joogan ay mar keliya dhabanka iyo gacanta isa saaren ka dib marki warbaahinta Dawlada iyo tan maxaliga ah, laga si daayey isku shandhayinti ugu horreysey ee uu xukumaddiisa ku sameeyo M/weyne Muse Biixi tan iyo marki uu talada dalka la wareegey bishii December 2017. Isku shandhayntan oo uu shacabku si weyin uga biyo diidey,markaad eegto baraha bulshada, dhageysato goobaha bulshadu ku kulanto, ama fiiriso fikirka ay dad badani ka qabaan iskushandhayntan, waxay shacabka nasiibka darani ku sababaynayan diid-madooda arimahan hoos ku xusan:-
1- May ahayn in M/weyine biixi oo dalkan xukumayey muddo ka badan 11 billood ilaa maanta aan la iman isbedel macno leh, welina aan so dhisin xukumad karti u leh in ay dalka ka saarto duruufaha adag ee ku xeeran in uu hadana maanta bulshada hor keeno iskushandhayin liidata, oo heerkeedu hooseyo oo aan waxba ka tareyn dhibatooyinka maalin kasta uu dalku cagaha la sii gelayo.
2- Iskushandhayntan oo ay ka dhax muuqdan laba wasiir oo ka mid ahaan jirey xukumadi Siilanyo,kana soo qabtay xilal muhiim ah ayaa bulshadu la xidhidhinaysa eedaymo xil gudasho laan,musuqmaasuq,wax isdaba marin,iyo karti daro, wasiiradan ayaa bulshadu aminsantahay in ay albaabada u xidheen haayadihi ay so maamuleen suurto galna aanay ahayn in ay qaar kale sii fadhisiyaan xiligan.
3- Iskushandhayntan ayaa bulshadu u aragtay mid dishey nidaamka saami qaybsiga xilalka dawlada iyo wax wada-lahanshaha taas oo xukumada biixi ka dhigtay mid dhinac u raran,wana marki u horeysey ee la arko madaxweyne iyo wasiir maliyadeed oo isku qoys ah,sido kale aan waxba ka bedeleyn kartida, aqoonta dawladnimo, tayada iyo waayo aragnimada xukumada M/biixi oo marka hore ba calaamatu suaal saarnayd.
4- Isku shaandheynta M/biixi waxay ku soo beegantay xili ay ka jiraan Wadamada geeska dufaano iyo isbadalo siyaasadeed kuwaas oo khatar ku ah dalkan hadii aan si wada jir ah looga gaashaman,sidoo kale waxay ku soo beegmaysa xili shacabka somaliland ay kala qaybisay doorashadi dalka ka dhacday 2017 taaso wali aan xal loo helin sidoo kale waxaan la dhalaysan Karin xaaladaha ka jira gobolada bariga kuwaaso u baahan in xal waara loo helo.si kasta ha ahaate waxaa M/biixi waxaa la gudboon xiligan in dib u qaabeeyo hogaamintisa siyaasadeed wax kastana ka horeysiiyo danta qaranka iyo wadajirka shacabka Somaliland,soona dhiso xukuumad midnimo qaran loo siman yahay fursadaheeda siyaasadeed iyo shaqo oo karti u yeelata in ay dalkan ka saarto duruufaha adage ee dalka iyo dadkiisu xiligan wajahaayan,duruufahaas oo intooda badan xukamadaadu ay ka dhaxashay xukumadi madaxweyna siilanyo iyo kuwa danbe oo ku biiray kuwaas u baahan in xal loo helo . Waxay iila muuqata ‘dadku maaha kii shalay dulcad xero looga dhigay;

Aragtida Jamac Hilaac.

COMMENTS
Latest News