Raadgoob.com
Dilkii Wariye Jamaal Oo Ay Dowlada Soomaaliya Ka Hadashay iyada Oo U Muuqata Mid Garab Siinaysa Wajina Kaga Doonaysa Dowlada Suciidiga
November 17, 2018 - Written by admin

Dowladda Soomaaliya ayaa Markii ugu horeysay ka hadashay dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi ee ka dhacay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul, dalka Turkiga, iyadoo soo dhoweysay baaritaanka ay faafisay xeer ilaalinta Sacuudiga ee ku saabsan dilkan .

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweyneyso baadhitaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda Sacuudiga ee ku saabsan dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa baadhitaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaasoo lagu xogwareystay dadka u xidhxidhan dilka muwaadinka Sucuudiga Jamal Khashoggi. Soomaaliya waxay u aragtaa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan si daaha looga qaado xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan xaaladaha kiiska” ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Akhriso Warka Qoraalka Ah Ee Ay Dowlada Soomaaliya Soo Saar Tay

\

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid Dowlada Sucuudi Carabiya Kaga raadinaysa is garabsi iyo waji ay kula saaxiibto arinka wariyaha la dilay ee ay dowlada sucuudigu baadhitaanka aan u muuqan mid midho dhal ah ku biidi goobayso

Raadgoobnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News