Raadgoob.com
Qaar Ka Mid Ah Wariyayaal Soomaaliyeed Oo Banaan Bax Ku Dal Baday In Cadaalada La Hor Keeno Cidii Dishay Wariye Jamaal Khashoggi
November 18, 2018 - Written by admin

Iyadoo wali la hadal hayo islamarkaana dood weyn uu ka taagan yahay kiiska dilkii wariye Jamaal Khashoggi oo bishii hore lagu dhaxdilay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada  Istanbul dalka Turkiga  ayaa markii ugu horeysay arintan waxaa dareenkooda ka muujiyay wariye-yaal Soomaaliyeed.

 Koox Weriyayaal ah ayaa isugu yimid barxadda xarunta warbaahinta Goobjoog iyagoo sita boorrar lagu xardhay sawirrada weriyaha Sucuudiga ee la dilay iyo erayo ay kamid ahaayeen Jamaal waa inuu helaa Caddaalad.

Maxamed Boosh oo kamid ah suxufiyiintii maanta ka qeyb galay isku soo baxa Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilka weriyaha isla markaasna Soomaaliya ay kamid tahay meelaha weriyeyaasha ay dhibaatada kala kulmaan maxamed boosh oo hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu yidhi

“Waxaan muujineynay sida aan ugu xunnahay, waxaanu qeyb ka nahay weriyeyaasha adduunka, Soomaaliyana waxay kamid tahay meelaha suxufiyiintu ay dhibaatooyinka kasoo gaaraan, tiro badan oo weriyeyaal ah ayaa lagu dilayay ilaa 1991-kii, waanna mid kamid ah meelaha ugu halista badan ay weriyeyaashu ka howlgalaan” ayuu yidhi Maxamed Boosh.

Masaajido ku yaalla Sucuudi Carabiya iyo Turkiga ayaa salaadda janaasada looga tukaday wariye Jamaal Khaashuqji ee la dilay.

Jamaal Khaasuqji oo 2-dii bisha October lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbuul waxaan weli waxaan war ah laga haynin meydkiisa halka uu ku dambeeyey.

Boqortooyada Sucuudiga waxay sheegtay in amarka lagu dilay Jamaal uu ka soo baxay xubno ka tirsan sirddoonka Sucuudiga balse Dhaxal sugaha boqortooyada Amiir Maxammed Bin Salmaan uu wax shaqo ah ku lahayn dilkiiisa.

Turkigana wuxuu ku adkeysanayaa amarka dilka Khaashuqjii inuu ka soo fulay madaxda ugu sarreysay boqortooyada Sucuudiga.

COMMENTS
Latest News