Raadgoob.com
“Boqolaal kun oo qof ayaa u qaxay Dowlad Deegaanka Soomaalida” Ha’yadda NRC Ayaa Sidaasi Sheegtay
November 20, 2018 - Written by admin

Ha’yadda NRC waxay sheegtay in kabadan 200,000 qof ay ka barakaceen dagaallada qowmiyadaha u dhexeeya ee ka dhacay dalka Itoobiya, dadkan ayaa u qaxay Dowlad deegaanka Soomaalida tan iyo bishii July.

NRC waxay sidoo kale sheegtay in guud ahaan dadka ka qaxay sannadihii ugu dambeeyay dagaallada u dhexeeyay qowmiyadaha qaar ay ka badan yihiin 700,000 qof.

“Dagallaada qowmiyadaha ee ka taagan xadka u dhexeeya gobollada Oromada iyo Soomaalida ayaa ku khasbay qoysaska inay buux dhaafiyaan xeryaha barkacayaasha, xeryaha qaxootiga waxaa ka howlgalaa shaqaale gargaar oo ay tiradoodu yartahay, qoysas badan ayaa maalin kasta soo barakacaa” ayuu yiri la taliyaha ha’yadda NRC ee xaaladaha gobolka,Evelyn Aero.

Wuxuu intaasi ku daray in odeyaasha deegaanka ay u sheegeen in wax gargaar ah aysan haysanin isla markaasna dadka ay u geeriyoonayaan caawimaad la’aan.

Wuxuu ka codsaday ha’ayadaha gargaarka inay isha ku hayaan xaaladda isla markaasna gargaar ay gaarsiiyaan dadkan soo barakacay sii loo badbaadiyo nolosha.

COMMENTS
Latest News