Raadgoob.com
Agaasimihii Wasaarada Cadaalada Somaliland oo Is Casilaad Deg Deg Ah Ku Dhawaaqay
November 21, 2018 - Written by admin

BURCO(Raadgoob.com) Agaasimihii Wasaarada cadaalada Somaliland Xussen Maxamed Maxamuud  oo maanta ku dhawaaqey  in uu iska casilay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa cadeeyey sababtii ku kaliftey  in uu xilkaas iska casilay agaasimaha ayaa waxa uu sheegay sababta uu xilka uga tagay inay tahay Sidan” Ma Arko nidaam dowladeed oo sax waxaan arkaa inay talada dalka qabteen dad ciil qabayaali markaas anigu waxaan ugu tagay sababahaas iyo kuwa kale” sidaasi waxa yidhi agaasimaha maanta is casilay Xussen Maxamed Maxamuud

Hadaba is casilaada agaasimaha ayaa salka ku haysa xadhig ka jarid uu maanta madaxweyne Biixi ku sameeyey jeelka weyn ee magaalada Burco oo agaasimaha ay is khilaafeen taliyaha ciidanka Asluubtu oo uu is yidhi agaasimuhu taliya oo hadlaya sax oo u sax waxqabad ay qabteen oo uu is dhaafiyay taliyuhu taasna ay keentay in taliyuhu yidhaado kal mado qalaf san oo aan goobta ku haboonayn Waxaanu yidhi Taliyuhu WAARYAA SHANAAB OO IGA AAMUS”

Halkan Hoose Ka Daawo Iscasilaada Warkan

COMMENTS
Latest News