Raadgoob.com
Magaalada Muqdisho Waxa Toogasho Lagu Dilay Shaqaale Ka Tirsan Shirkada Hormuud
November 21, 2018 - Written by admin

Wararkaka imaanaya Suuqa Weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay labo qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda Hormuud.

 Dad ku suganaa goobta toogashadu ka dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in labada nin oo wada socday mar kaliya lagu weerar ku qaadeen rag kale oo bastoolado ku hubeysnaa kuwaa oo rasaas furay.

Labada  qof ee la dilay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen shaqaalaha shirkadda isgaadhsiinta Hormuud xiliga toogtay-na ku sii jeedeen masjid aan goobta ka fogeen.

Ragga dilka geystay ayaa baxsaday waxaana goobtaas xidhay ciidamada amaanka dowlada federaalka oo daqiiqado ka dib halkaas gaadhay sidoodi caadada ahayd.

Maalmo ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho labo nin oo ka tirsanaa howlwadeenada shirkada Hormuud.
Ilaa iyo hadda dhab ahaan looma oga sababta keentay in si gaar ah loogu badhtilmaameedsado shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkaddaha faca-weyn ee Soomaaliyeed ka jira.

COMMENTS
Latest News