Raadgoob.com
Magaalada Jowhar Nin Xaaskiisa Oo Xaamilo aheyd ku Toogtay
November 27, 2018 - Written by admin

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabeelle ayaa sheegaya in qof ka tirsan maamulka Hirshabeelle inuu dilay xaaskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in qofka dilka geystay uu ahaa maareeyihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxaana magaciisa lagu koobay Cali Dheere.

Haweeneyda Geeriyootay ayaa magaceeda lagu sheegay Jamiilo Sheikh Cali, waxaana da’deeda lagu sheegay 32 jir, iyadoo la sheegay inay xaamilo aheyd.

Waxyaabaha ka dambeeya dilka haweeneyda ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay bastoolad ay ku murmeen kadibna uu toogtay, halka wararka qaar ay sheegayaan in haweeneyda ay ka maseertay haweeney lala guursaday.

Rasaas ayuu ku furay sida wararka aan ku heleyno, iyadoo u geeriyooday, waxaana laamaha amaanka ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen xili uu doonayay inuu ka baxsado magaalada.

Saraakiisha amaanka waxay sheegeen in qofka falkaasi geystay uu ku xidhan yahay saldhiga magaalada Jowhar, baadhitaan kadibna maxkamad lasoo taagi doono.

 

COMMENTS
Latest News