Raadgoob.com
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Munaasabad Casho Sharaf Ah U Qabtay Gudoomiyaha Shirkada Telesom Guushi Uu Gaadhay Awgeed
November 29, 2018 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri  oo habeenimadii xalay magaalada Hargaysa casho sharf ugu qabtay gudoomiyaha shirkada telesom C/kariin maxamed iid oo dhawaan ku guulays tay abaal marinta shairkadaha is gaadhsiinta AFRICA

munaasabada casho sharaftan ayaa waxa kasoo qayb galay wasiirada wasaaradaha isgaadhsiinta ganacsiga iyo madaxda xisbiyada mucaaradka xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ganacsato iyo marti sharaf kaleh ugu horay waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland waxaanu yidhi

“ guusha gudoomiyaha shirkada telesom ka soo hooyahay Africa waa guul aynu wada leenahay oo Somaliland u soo hooyatay iyo ganacsatadaba iyo guud ahaan soomaali oo dhan waa guul u soo hooyatay madaxda xisbiyada iyo madxda kale ee goobtan joogtana waxaan leeyahay waxaynu halkan u nimi inaynu guusha kula faraxo shirkada telesom oo aynu tusno inaanu la faraxsanahay” ayuu yidhi gudoomiyaha rugta ganacsugu

Waxa halkaasi iyaguna ka hadlay ganacsatadii munaasabada casho sharafta ha kasoo qayb gashay oo iyaguna si iskumid ah u hambalyeeyay gudoomiyaha shirkada telesom iyo guushaa uu soo hooyay

Dhankiisa isaguna waxa ka hadlay gudoomiyaha shirkada telesom C/kariin maxamed iid oo ah masuulka casho sharaftan loo qabtay waxaanu yidhi

“ waxaan qaban doona ka shirkad ahaan kulan wayn oo aanu ku soo casuumi doono jaamacadaha dalka iyo wasaarada isgaadhsiinta ganacsatada waxaanu halkaasi ku soo bandhigi doona hamiyada danbe ee aynu doonayno inu dalku gaadho waxaan aad ugu mahad celinayaa rugta ganacsiga Somaliland oo kulan kan soo qaban qaabisay waxaan kaligay guushani gaadhay maaha dhawr kun oo qof oo shaqaale ah macaamiil ganacsato sal balaadhan xukuumad iskaayo bar bar taagan intaas ayaa guusha keenay” Sidaasi waxa yidhi gudoomiyaha shirkada telesom

Gaba gabadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirada wasaaradaha isgaadhsiinta iyo ganacsiga Somaliland waxayna ku dheeradeen ah miyada guushani ay Somaliland u leedahay iyo inay dhan kooda ka xukuumad ahaan kula faraxsan yihiin shirkada telesom guusha ay Africa ka soo hoysay3

 

Maxamed Ducaale Cabdi.Raadgoob

Raadgoobnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News