Raadgoob.com
Dumar Si Mutadawacnimo Ah Uurka Ugu Qaada ilmo Aysan Lahaanayni Oo Waalidiin Kale Qaadanayaan
December 4, 2018 - Written by admin

Dalka Canada ayaa waxa ku soo badanaya lammaanayaal doonaya inay helaan “dumar ilmo u qaada ama u dhalo”-dumarkan dhala carruurta aysan iyaga la lahaan doonin ayaa u sameeyo si mutadawacnimo ah.

.

 

Marissa Muzzell waxa ay foolanaysay muddo 16 saacadood ah si ay u dhasho gabadh ay u qaaday lammaane kale .

Xilligii ay uurka ahayd waxa ay ka soo martay dhibaatooyin badan waxa ayna sheegtay in laba mar isbitaal lageeyay. Muddo bilooyin ah ayey qaadanaysay daawooyin.

Waxa ayna dhibaatadan oo dhan ay u martay ilma aysan dhalin.

Marissa, waa 32 sano jir ku nool dalka Canada waxa ayna ka mid tahay dumarka dhalo carruurta loo wakiisho.

” Waxan hadda leeyahay qoys… qoys ay leeyihiin dad kale,” ayey tiri Marissa.

.
.

 

Waxaa jira baahi weyn oo loo qaba dumarkan waayadii dambe sababa lala xiriiriyey inay dunida ku soo bateen lammaanayasha doonaya. Canada ayaa waxa ku soo badanaya dhaqakan.

“Waxaan arkay dumar badan oo ku nool dalka Mareykanka oo la siiyey kumanaan doolar si ay ilmo ugu qaadan, halka Canada aysan samaynin,” ayey tiri Marissa.

.

 

Waxa ay u baahan yihiin inay la yimaadaan waraaqo cadaynaya inta uu la egyahay kharashka ay ku heeshiiyeen.

“Ma’ahan dhaqaale aad kayd ka dhigan kartid, manihin mashiinno soo saara carruurta,” ayey tiri Marissa.

“Ani ahaantayda waxay ii ahayd mid khaas ah. Uma samaynaysid shaqo ahaan, balse naxariiso ayey iga ahayd.”

“Xidhiidhka dhanka internet-ka”

Dumarkan u dhashay dalka Canada ee qaada uur aysan iyaga lahayn ayaa waxa ay leeyihiin astaama gaar u ah.

.

 

Ku dhawaad 900 oo ka mid ah dumarkan, sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Canada.

” 11 sano ka hor, markii aan bilaabay shirkadaan, waxaan lahayn 8 carruur ah oo ku dhasha habkan sanadkiiba. Bishii la soo dhaafay kaliye waxaa halkan ku dhashay 30 carruur ah,” ayey tiri Leia Swanberg, oo aasaastay xarunta baarista ee wakaaladda weyn ee ka jirta dalka Canada.

Ms Swanberg, haweenaysan oo horay u ahayd dumarka qaada ilmaha, ayaa caawisa inay isku keento waalidiinta doonaya in ilmaha loo qaado iyo kuwa diyaarka u ah inay sameeyan arrinkan.

.

 

“Mar walba wey adagtahay, waxaa jira lammaaneyaal badan oo doonayo in ilmo loo qaado kuwaa oo ka badan dumarka shaqadan samaynaya. Sideen ku doortaa? Waxaa jira dabcan dareen marka hore ee aad xirriirka samayso.”

Janet waxa ay dhashay ilmihii ugu horreeyey oo lahaa walidiin ka soo jeeda dalka Faransiiska.

Janet Harbick
Lahaanshaha sawirkaJANET HARBICK
Image captionJanet Harbick

” Waxan xaqiiqdii ku fikirayey inaan laba carruur oo kale aan dhalo, oo aan u qaado lammaanayaashii hore ee lahaa carruurtii aan horay u dhalay” ayey tiri.

“Waxan jeclahay xilliga aan uurka ahay maxaa yeelay jirka ayaan ka dareemaa caafimad.”

.

 

Dumarkan ayaa dhammantood aaminsan in shaqadan ay noloshooda badeshay.

“Ma qiyaasi karo noloshaha carruur la’anta ah”

.

 

Jid adag

Hase yeeshee helitaanka caruurta dumarkan ayaa ah mid aad u adag.

“Aad ayaan u xanuunsaday xilligii aan uurka ahaa, marka seygayga ayaa i caawin jiray. Aad ayuu ii taageeri jiray,” ayey tiri Janet.

.
Lahaanshaha sawirkaJANET HARBICK

Dhaleecaynta ku aadan arrinkan ayaan ahayn mid cad.

.
.
.
.

COMMENTS
Latest News