Raadgoob.com
Gudida Xallinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Putland Oo Iyagu Khilaaf Horseeday
December 4, 2018 - Written by admin

Wuxuu ahaa guddi magaciisu yahay guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee golaha wakiilada ee Puntland, kaasi oo shaqadiisu ay tahay xalinta khilaafaadka ka jira barlamaanka maamulka Puntland.

Hasayeesehee yagleelidda guddiga ayaa waxaa ka dhashay buuq u dhaxeeya madaxda ugu sareysa Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Gas oo magacabaya guddigaasi aya waxaa ka soo horjeystay ku xigeenkiisa, oo madaxweynaha ku eedeeyay in uu baalmaray hab-raaca magacaabidda guddiga khilaafaadka.

Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiisa soo magacaabay guddi kale oo uu sheegay inuu yahay guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee golaha wakiilada Puntland, kadib markii uu sheegay in Cabdiweli Gaas lagu qancin waayay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafkaasi.

”Inaa soo magacaabo guddigan waxaa igu kalifay kadib markii madaxweynaha uu baalmaray hab-raaca guddiga xalinta khilaafaadka” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar.

Camey ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid ah guddiga uu soo xulay madaxweynaha ay yihiin kuwa qaraabo dhaw la ah madaxweynaha, una shaqeeya dowladda.

.
Lahaanshaha sawirkaDALJIR
Image captionMadaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Cabdixakiin Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in madaxaweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoonka barlamaanka ay tahay inay isu yimaadaan, kana wada tashadaan magacaabidda guddigan.

Qaar kamid ah musharaxiinta doorahsada madaxweynaha ee Puntland oo ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa sheegay inay la safanyihiin madaxweyne ku xigeenka, sheegay na in guddigaasi uu yahay mid u shaqeynaya madaxweynaha oo keliya.

Dad badan ayaa haddaba isweydiinaya waxa dastuurka Puntland uu ka qabo cidda soo magacaabeysa guddiga xallinta khilaafaadka.

Guuleyd Saalax Barre oo ah agaaismaha machadka cilmi barista SIDRA ee Puntland ayaa BBC-da u sheegay in arrintan oo kale aysna horay u dhicin.

” Dastuurka Puntland si gooni ah uga ma hadlayo magacaabidda guddigan, madaxweynaha ayaa doorashooyinkii hore soo magacaabi jiray guddiga xallinta khilaafaadka”. Waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Guuleyd Saalax.

Arrinta kale ayaa ah mar haddii labada mas’uul ee ugu sareeya dowladda ay isku qabteen arrinka iyo halka loo laabanayo ayaa Mr Guuleyd ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay tahay mid ugub ah oo aan horay u dhicin, meel loo qaado xallinta arrintan na aysan jirin.

Khilaafkan labadani mas’uul ayaa haatan u muuqda mid sii xoogeystay, waxaana ay horay isugu khilaafeen arrimo la xiriira khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana uu ku soo beegmaya iyadoo mudda yar ay ka hartay doorashada madaxweynaha ee Puntland.

COMMENTS
Latest News