Raadgoob.com
“Dhaxal Sugaha Sacuudigu Maxamed Bin Salmaan wuu waalanyahay” Senatar U Dhashay Maraykanka Oo Weeraray Maxamed Bin Salmaan
December 5, 2018 - Written by admin

Senatarada dalka Mareykanka ayaa waxay sheegeen in iminka in ka badan sidii hore ay u rumaysan yihiin in dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan uu door ku lahaa dilkii wariye Jamal Khashoggi.

Senatar Lindsey Graham ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan isagoo na ku tilmaamay nin waalan.

Senatar Lindsey Graham ayaa sidoo kale sheegay in uu aad u rumeesanyahay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa dilka wariye Jamal Khashoggi, waxaana uu boqortooyada Sacuudiga ku tilmaamay “kuwa waalan oo halis ah”.

Dowladda Sacuudiga ayaa dilka wariye Jamal waxa ay u maxkamadeysay 11 qof balse waxaa ay beenisay in dhaxalsuge binu Salman uu ku lug lahaa dilkaasi.

Maxamed binu Salmaan
Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMaxamed binu Salmaan

Maxay yiraahdeen sanatarada?

Xubnaha guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee aqalka Sanet-ka lama aysan gabban erayadooda, ka dib markii ay la kulmeen agaasimaha hay’ada CIA -da Gina Haspel.

Senatar Lindsey Graham ayaa sheegay in uusan taageereyn dagaalka Sacuudiga ay ka wadaan dalka Yemen ama in hub laga iibiyo xukuumadda Riyadh inta uu awoodda hayo dhaxalsugaha.

Senatar Bob Menendez oo isna ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa dhankiisa wariyayaasha u sheegay “in uu iminka ku qanacsan yahay si ka badan sidii hore “in dhaxalsugaha Sacuudiga uu masu’ul ka ahaa dilka wariyaha.

Bob Menende ayaa intaa raaciyay in Mareykanka ay qasab ku tahay in uu diro farriin cad oo ah in ficilada noocaasi oo kala ah aan la aqbali karin marka la eego marxaladda uu maanta caalamka marayo”.

Sidoo kale Bob Corker oo isna ka tirsan aqalka Senate-ka ee dalka Mareykanka ayaa wariyayaasha u sheegay: “in aysan maskaxdiisa wax su’aal ah uga jirin in dhaxalsuge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka Khashoggi.”

Senatar Bob oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa intaa ku daray “in haddii maanta Binu Salmaan la horkeeni lahaa garsoore in 30 daqiiqa gudahod dambiga loogu heli lahaa.”

COMMENTS
Latest News