Raadgoob.com
Madaxtooyada Puntaland Oo Dowlada federaalka Soomaaliya Ku Eedaysay Inay Khal Khal Galinayso Doorashada Puntland
December 5, 2018 - Written by admin
War-saxaafadeed goor dhow uu baahiyay xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inuusan jirin khilaaf sharci ah oo la xiriira magacaabiista guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Baarlamaanka, kaddib markii labo guddi oo iska soo horjeeda ay magacaabeen madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Madaxtooyada, ayaa warsaxaafadeedka ku sheegtay in doorashada ku socon doonto si habsami leh iyo jadwalkii loogu talagalay ee madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas uu soo bandhigay 30-kii bishii hore ee November.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale, lagu sheegay in dowladda federaalka faragelin ku heyso doorashada,iyadoo madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, ay madaxtooyada ku eedeysay inuu fulinayo awaamiir laga soo faray Muqdisho oo lagu khalkhal-gelinayo xallisoonida Puntland, sida warsaxaafadeedka ku cad.
“Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu meel iska dhigay mas’uuliyadii uu u hayay dowladda Puntland, kana doorbiday danno gaar ah iyo fulinta awaamiir lagu khal-khal gelinayo xasilloonida Puntland, lagana soo farayey Muqdisho, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen ka hor imaanshihii go’aankii Aqalka sare iyo magacaabida guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka golaha wakiilada Puntland ee madaxweynaha uu magacaabay”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Camey, ayaa horay u diidday in mowqifka uu uga horyimid magacaabiista guddiga looga soo dhiibay Muqdisho, waxaana marka uu sheegay in xiriirka ugu dhow uu ka dhaxeeyo madaxweyne Gaas iyo madaxweynaha dowladda federaalka.
Gabagabadii,warsaxaafadeedka madaxtooyada Puntland ay soo garsiisay warbaahinta waxaa lagu sheegay,in guddiga uu magacaabay madaxweynaha Puntland uu shaqadiisa billaabayo, aysan jirina cid khalkhal gelin karta doorashada, isla markaana doorashada ku dhici doonta waqtigeeda.
Halkan Hoose Ka Akhriso warsaxaafadeedka madaxtooyada Puntland;

Raadgoobnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News