Raadgoob.com
“Xukuumada Ayaa Afduubatay Munaasabadii Haweenka Somaliland Qabsadeen” Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani
December 5, 2018 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob.com) Xoghayaha guud ee xisbiga waddani oo maanta ka hadlay shirkii haweenka somaliland ku qabsadeen magaalada hargaysay xoghayaha xisbiga waddani ayaa waxa uu sheegay in lagu soo casuumay madasha munaasabadaasi is uu hadal kiisa uga jeediyo balse uu sheegay in loo ogalaan waayoinuu goobtaasi ka hadlo Waaxau yidhi xoghayuhu Sadan

“Madasha manaasabada haweenka somaliland aniga ka xisbi ahaan waa laygu soo casuumay oo waa lay yeedhay laakin madasha waxa afduubatay xukuumada oo aan xitaa hadal u ogalaan haweenkii manaasabadaasi soo qaban qaab saday wasiir hinda gaani ayaa hadashay maxamed kaahin ayay mikirifoonka ku soo dhawaysay maxamed kaahina madaxwaynuhuu ku soo dhaweeyay markii danbana waaba lasoo dareeray haweenkii manuusabada qab sadayna mudantoodi lama siinin” Ayuu yidhi xoghayaha guud ee xisbiga waddani oo saxaafada kula hadlay afaafka hore ee hoolka ay munaasabadu ka dhacday ee hotel Maan-soor

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News