Raadgoob.com
Ciidan Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya Oo Gaadhi Ay Wateen Qarax Lala Eeg Tay dulleedka Magaalada Muqdisho
December 9, 2018 - Written by admin

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lala eegtay gaadhi ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo marayay dulleedka magaalada Muqdisho.

 Qaraxa ayaa lagu waramayaa in uu ahaa miino dhulka lagu aasay  oo lala eegtay  gaari ay wateyn qaar ka mid ah ciidamada dowladda, waxaana goobta ku geeriyooday sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa ilaa saddex askari oo saarnaa gaarigaasi halka labo ruux kale oo goobta ka agdhawaanna ku dhaawacmeen.

Meydadka askarta ayaa la sheegay in ay goobta ka qaadeen isla ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaa ka bilaabay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.

Al-shabaab ayaa waayadii ugu danbeeyay kordhiyay qaraxyada iyo dilalka lagu bartilmaameedsado saraakiisha dowladda, ciidamada iyo mas’uuliyiinta ka tirsan hay;addaha kala duwan ee dowladda federaalka.

COMMENTS
Latest News