Madaxda Maamul Gobaleedada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saaray Mooshinka Laga Keenay Madaxwayne Farmaajo | Raadgoob
Raadgoob.com
Madaxda Maamul Gobaleedada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saaray Mooshinka Laga Keenay Madaxwayne Farmaajo
December 10, 2018 - Written by admin

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa war kasoo saaray mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya oo shalay loo gacan geliyay guddoomiyaha baarlamaanka.

Qoraalka kasoo baxay madaxda dowlad goboleedyada ayaa si cad loogu taageeray mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in loo baahan yahay wax ka qabashada dhibaatooyinka dalka ka jira.

 Waxay walaac ka muujiyeen xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay kasii dareysay, sida ay ku sheegeen qoraalka kasoo baxay maamulada.

Seddex maamul goboleed ayay kusoo hadheen golaha iskaashiga maamul goboleedyada, kadib markii Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ay la heshiiyeen dowladda fedraalka Soomaaliya.

 

Halkan Hoose Ka Akhriso Waqada Warsaxaafadeedka

 

COMMENTS
Latest News