Raadgoob.com
Guddoomiyaha Barlaamanka Soomaaliya Oo Waqad Xaasaasiya Ka Soo Saaray Mooshinkii Farmaajo
December 12, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha Barlaamanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa soo saaray waraaq xasaasi ah oo uu kaga hadlay mooshinka laga soo gudbiyey Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Mursal ayaa si rasmi ah u sheegay inuusan Jabin mooshinkii laga gudbiyey Madaxweynaha.

 Wuxuu xildhibaanada Baarlamaanka ku wargeliyey inuu dastuur ahaan sax yahay mooshinka isla markaasna dhawaan laga doodi doono si codka kalsoonoda loogu qaado.

Waraaqda Guddoomiye Mursal ayaa kusoo aadeyso xilli Shalay uu xoghayaha guud ee Baarlamaanka uu sheegay inuu mooshinkii jabay kadin markii laga been abuurtay saxiixa illaa 14 xildhibaan.

 

Xiisadda ka dhalatay mooshinka Farmaajo ayaa cirka isku sii shareertay waxaana lasoo sheegayaa inuu Guddoomiye Mursal ka guuray Xarunta Madaxtooyada isla markaasna uu dagay Hotel u dhow garoonla Diyaaradaha Aadan cadde.

Halkaan Hoose ka akhriso waraaqda guddoomiye Mursal soo saaray

 

COMMENTS
Latest News