Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Oo War Soo Saaray Kadib Xadhigii Mukhtaar Roobow + Muxuu Yahay Warkaasi | Raadgoob
Raadgoob.com
Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Oo War Soo Saaray Kadib Xadhigii Mukhtaar Roobow + Muxuu Yahay Warkaasi
December 13, 2018 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Guddiga doorashada maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyaga oo go’aamiyey in doorashada madaxtinnimada dhaceyso 19-ka December 2018.

Arrintan waxaa ay imaaneysaa kadib markii la xiray Mukhtaar Roobow oo ka tirsanaa murashaxiinta ugu cad-cad doorashada.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka walaacsaneyd musharaxnimada Mukhtaar Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, taasi oo u muuqata hadda inay meesha ka baxday kadib markii ay gacanta kusoo dhigeen Roobow.

Taageereyaasha Roobow iyo qaar ka mid ah fallanqeeyeyaasha siyaasadda waxa ay qabaan in dowladda ay wal wal ka qabtay taageeradiisa ku xoogeysaneysa qabiilka Raxanweyn oo hogaamin karta in uu uga guuleysto doorashada.

Halka Hoose Ka Akhriso Warsaxaafadeedka guddiga doorashada.

Raadgoobnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News