Raadgoob.com
Guddoomiyihii Guddiga Amniga Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo lagu Dilay Magaalada Baydhabo
December 14, 2018 - Written by admin

Waxaa maalinkii labaad magaalada Baydhabo ka socdaa dibadbaxyo rabshado wata oo lagaga soo horjeedo Xadhigii Mukhtaar Roobow(Abuu Mansuur).

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya Baydhabo waxay sheegayaan in saaka gudaha magaalada lagu dilay guddoomiyihii guddiga amniga ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Buulle.

Rabshado ayaa ka dhacay magaalada oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka iyo dad ka careysnaa xiritaanka Mukhtaar Roobow, waxaana rabshadahaasi sidoo kale ku dhintay wil yar oo 10 jir ah.

Waxa lagusoo warramaya in magaalada ay ka taagan tahay xiisad iyo jahwareer aan lagaranay halka uu sal dhigan doon

X/ BBC Somali

COMMENTS
Latest News