Raadgoob.com
Madaxwaynaha Somaliland Oo La Kulmay Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland
December 15, 2018 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed u sameeyey xubnaha aqalka golaha wakiiladda Somaliland.

Munaasibadda hadhimo-sharafeed kan oo ka qabsoontay xarunta qasriga madaxtooyada  Somaliland, ayey ujeeddadeedu ahayd sidii loo dardargelin lahaa wada-shaqaynta iyo isku xidhnaanta goleyaasha wakiillada iyo xukuumadda, waxana kasoo xaadiray ku dhawaad 80 (Siddeetan) mudane oo ka tirsan aqalka golaha wakiillada oo ay hormood u yihiin shirguddoonka golahaasi.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News