Raadgoob.com
Qunsuliyada Itoobiya Kuleedahay Somaliland Oo Nin Soomaali Ah Loo Soo Magacaabay
December 18, 2018 - Written by admin

Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ayaa si cad u shaacisay in nin Soomaali ah ay u magacaabeen qunsulka Ethiopia ee  Somaliland.

Shamsudiin Axmed Rooble oo si weyn looga yaqaan dalka Ethiopia ayaa loo magacaabay qunsulka Ethiopia ee Somaliland, waxaana la doonaya inuu ka shaqeeyo xiriirka Somaliland iyo dowladda Ethiopia.

Shamsudiin, ayaa noqday wasiir ku xigeen, xildhibaan Baarlamaan, safiirka Ethiopia ee dalalka Kenya iyo Jabuuti, waxaana hadda loo magacaabay Qunsulka Ethiopia ee Somaliland

Waa nin si weyn looga yaqaano dalka Itoobiya, waana rugcaaddaa dhanka Duplomaasiyadda, waxaana la aaminsan yahay in uu wax badan ka badali doono Hanaanka iyo xidhiidhka Somaliland iyo dalka Itoobiya, sida qoraalka lagu sheegay.

Waxaa la filayaa inuu xilka kala wareego qunsulki hore ee Ethiopia u fadhiyay magaalada Hargeysa ee somaliland oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay qunsulkaasi

Dhawaan ayay aheyd Markii dalka Itoobiya looga yeeray Qunsulkii Itoobiya ee Magaalada Hargeysa, waxaana dad badan ay sheegeen intaasi ay hoos u dhigtay Siyaasiyadda Somaliland oo loo aaminay in Ethiopia ay ilaalinayso Midnimadda Soomaaliya.

Balse magacaabistiisa ayaa meesha ka saareyso hadal heynta arimahaasi la xidhiidha

 

Raadgoobnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News