Raadgoob.com
Canaan waayeel oo ku wajahan aqoonyahanka is magacaabay ee dabarka goostay iyo Dawladan aamuska xeelad siyaasaseed u haysata.
December 25, 2018 - Written by admin

Waxaa yaabka yaabkiis umadda reer Somaliland ku noqotay in ay ka war helaan dood ka dhacday Jabuti oo ay soo qabanqaabiyeen, Machad loogu yeedho Heritage oo qadiyada Somaliland lagaga doodayo ama qof walba waxay la tahay uu soo bandhigayo.  Hada waa go’aankii umadda Somaliland ay ku gaadheen in ay dawladnimadoodii Somaliya kala soo noqdaan.  Aqoonyahankan fududaay, qarkood waxayba u hadlayeen oo ay kuwa Somaliya ka socday waydiisanayeen in hoos loola eego waxa ay Somaliland tabanayso, si loogu gudbo waji kale oo lagu gaadhi karo isku soo noqosho kale. Wuxuu machadkani isugu yeedhay ilaa boqol iyo dheeraad qof oo ka socda Somaliya , dhawr reer Somaliland ah iyo Intii ugu necbayd jiritaanka Somaliland. Aqoonyahankii Somaliland shirka noocaas ah ayay dhex fadhiisteen oo la isla soo hor fadhiistay “adiga maxay kula tahay iyo adigana maxay kula tahay”. Sunxaanaka Yaa Cadiim, shidanaaba shidan.  Hadaba, aqoonyahan,  aan far waawayn kuugu qoro eh,  arinkan idinka dood iyo fikir dhiibasho idiinla muuqdaa, waa go’aan umadeed oo sharci ah, kuna yimid wada tashiyo qoto dheer oo si mug leh looga baaraan degay.  Mararka qaar waxaan meelahaa ku arkaa aqoonyahan Somaliland u doodaya, oo marka ay difacayaan dawlad la soo noqoshada Soamliland, ku saleeya doodoo arimo ay ka mid yiihiin: Haddanu reer Somaliland nahay waa nala laayey, Dawladii ayaan wax misaan leh nagala siin, IWM.  Iyadoo qodobadaasi ka mid yihiin wixii dhariga karka ka keenay, hadana ma aha tiirarka ugu waawayn ee ay Somaliland dib uga soo noqotay hehiiskii 1960-kii.  Walaaluhu had iyo goor waa isdagaalaan, waana ka heshiiyaan oo inta gar laguugu yimaado ayaa lagaa xaal mariyaa, khasaaraha ku gaadhayna waaba laguu mag dhabaa, Dawladdii lagaa qadiyeyna waaba laguu wada dhiibi karaa hadii ay intaa tahay waxa aad uga noqonayso heshiiskii lagu midoowbay.

Somaliland sababaha dhabta ah ee ay Somaliya uga tagtay ma aha intaa oo qudha, ee waxaa jira mabda ka qara wayn kuwaa, ay aqoonyahanadu carabka ku adhkeeeyaan inta badan.  Umadda reer Somlailand waxay daba socotay ilaa iyo markii ay dawladnimadeedii shuruud la’aan ku gaysay Xamar,  oo ay hamuun ba’an u qabtay in ay mar uun hesho Somali isku dhan oo mid ah (Somaliwyn).  Waxayse Somaliland arintaa dhulka iska dhigtay markii ay si waafi ah oo aan mugdi ku jirin ugu muuqatay, una taabatay  in cid Somalinimo, sideeda ugu hamuun qabtaa aanay jirin. Somaliland, ka dib markii ay si miisaan leh uga arinsatay su’aalihii hor yaalayayey waxay si wada jir ah ugu tashatay in ay gooni u istaagto oo iyadu isku tashato.  Bal hadda u fiirso waa markii ay wayday cid Somalinimo dank a leh.  Ilaa iyo maanta dadkii aan wax wada lahyan, kama muuqato wax Somalinimo la yidhaahdo.  Dadka aad u tagteen, ee Somalinimo kala hadlayseen, ma aha kuwo u jeeda ama u socday dareen wadanimo iyo somalinimo, ee waa dad aan cidna matalin, oo hadba dhaameelka ay NGO-du  meelahaa ku qaybiyaan doonta.  Waxaa umadda reer Somaliland ku adag in aqoonyahankooda uga shakiyaan, in ay iyaguba dhaameelkaa iyo dilaalida qadiyadda umaddooda ay wax ka dayayeen.  Haddii ay aqoontiinu idinku filan tahay ama daacadnimadiinu shaki lahayn, waxaa idiin soo bixi lahayd in Ictraafka Somaliland aanu ku xidhnayn Xamar ee go’aankeeda ay leeyihiin quwadaha aduunyada xooga ku maamula, oo  dawladihii Somaliland soo maray, aanay wali fool ka fool qadiyadeena u hor dhigin, kuna guulaysan in ay iyaga ku qanciyaan in ay aqoonsadaan dawladda Somlailand.  Waxaa hubaal ah  oo muuqata in quwadahaasi  ilaa iyo maanta ay Dawladda Xamarna ugu talo galeen in aanay dhulkaba ka kicin, Dawladda Somalilandna ay cagaha iskaga duubaan si aanay meel fog u gaadhin. Aqoonyahan, iyadoo umaddu aanay kuuba diidanayn in aad kaalintaa aqoonyahan ee aad isu magacowday, Somaliland u buuxiso, waxaad maanka ku haysaa in aynaan ahany jabhad ee aynu gaadhay dawladnimo buuxda oo sharci ah. Arimahan aad sahalsanaysaan ee aad “aniga waxay ilatahay” shaashada la soo fadhiisanaysaan, waa arimo umad dhami leedahay oo dastuuri ah, oo miisaankooda leh, oo ka soo maaxay garaadka umad dhan oo reer Somaliland.  Umaddu arimahan miisanka noocaas oo kale leh, waxay u igmatay dawlad ay kala xisaabtamayso. Waxaan idinka waanineynaa, in aad ka waantoowdaan mustaqbalka in aad ka qayb gashaan shirarka N.G.O-yadu wataan ee lagu shirqoolayo, laguna wiiqayo rabitaanka dadkiina.

In aad Somaliland aqoon yahan u tihiin cidina ma dafirsanma, laakiin qadiyada Somaliland ee umaddu wada leedahay kaligiin tunka kuma qaadan kartaan. Aqoonta (xirfad) iyo garaadku waa laba kala duwan isuna baahan, haddii wax idinka dhiman yihiin,  garaadku umaduu ku jiraaye, ha is cajabinina kaligiine, umadda u soo noqda oo wax waydiiya.

Dawladda maanta joogta ee Somaliland waxay umadda ugu muuqataa in xirfadeedu aanay dhaafsiisnayn heer maamul oo ay qaybtii hogaamintu meesha kaba baxday.  Dawalddu in ay ku mashquusho hawlmaalmeedka shaqo ee maalinlaha ah, ma aha wixii ay umaddu uga fadhiday.  Arimo faro badan oo dhacay intii ay dawladdani jirtay waxay kaga falcelisay oo runtii fajac ku noqotay umadda, inn ay ka aamusto.  Umaddu waxay tabaysaa hogaan ka saari kara dhibaatooyinka nooc walba ah ee ku geedaaman. “Anigaa tan la ii doortay mana hadlayo”, waa xeelad aan hore loogu arag melena, oo xaqiiqatan ina dhaxalsiin karta dhibaatooyin sida looga dawoobaa ay adkaan doonto.  Qoraalkani isma dul istaagayo dhaliilaha ay dawladan maanta joogtaa leeday, oo taa waxaynu ka leenahanay xisbiyo qaran, iskastoo aad moodo in ay libdheen oo la baafinayo,  hadana waxaa waxgaradka umadda u muuqata in aynu madaxa la galnay xaalad asqo oo aanay muuqan haybad dawladeed iyo mid hogaamin oo aan meeshaba oolin.  Waana ta keentay maanta in aqoonyahanku iska baal maro dadkii taladada dalka loo dhiibtay oo iyaguna xeeladoodii cajibka ahayhd ee ammus kaga falceliyiy.

Madaxtooyada maanta talada dalka gacanta ku haysaa, umaddu ka yeeli mayso is yeel yeel danbe.  Haddii ay aqoonyahanada aanay wax ka odhan falkan ay ku kaceen, sow N.G.O-yadu ku sii dhiiran mayaan qorshaha loo soo dhiibay ee ah in maalinba ururuda bulshadu ka kooban tahay ee Somaliland, qaar meel loogu yeedho oo layidhaado, idinkuna waa maxay fikirkiinu.  Haddii tan laga aamuso, waxaa xigi in marba koox laga biliiqaysto Somaliland sida:  ardayda jaamacadaha, ururada haweenka, ganacsatada, culimaa u diinka IWM.  Haddii xukuumadani xakamayn waydo dhaqdhaqaaytda noocan oo kale ah, waxay ummadu u qaadan doontaa in ay iyadu hoosta ka wado mashruucanyadan lagu kala furfurayo Somaliland.

Dawladda maanta joogta, waxay Umaddu faraysaa in ay dhamaanba joojiso wadahalada Somaliland iyo Somaliya ee ma dhalayska ah, heer Dawladded iyo heer nooc kastaba.  Waa in ay dawladdu siyaasad cad oo aan mugdi lahayn ka soo saartaa, sidii qarankan gooni u isutaagiisa looga dhabayn lahaa. Umadda ma qabato, in Madaxtooyadu hadba ka jawaabto hadalada ka soo yeedha Xamar, ma noqon karaan wax u cuntami kara oo ay ku ganci karaan . Waa in ay dawladu curisaa siyaaasado cad cad oo lagu gaadhi karo himilooyinka reer Somaliland hiigsanayaan oo ay ugu wayn tahay ka mid noqoshada dawladaha caalamka oo laga dhabeeyo.

Shacabka reer Somaliland waa dad xariir ah oo dulqaadka iyo samirka badan.  Waxaaba mararka qaarkood inoo soo baxda in dad garaadku ku yar yahay ay u qaataan dulqaadkooda duqonimo.

Alahayoow nin daalin ah Alahayoow nin daacad ah deeqdaada ha u simin.

Aamiin.

maqaalkan wax qoray Abdirizak Ahmed Jama

rizakj@yahoo.com

COMMENTS
Latest News