Raadgoob.com
Shir Waynaha Qaran Ee Warbaahina Somaliland Oo Maanta Magaalada Hargaysa Ka Furmay
December 29, 2018 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Magaalada hargaysa waxa maanta ka furmay shir wayanaha qaran ee warbaahinta somaliland kulanka shirkan ayaa waxa soo qaban qaabisay wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta

waxaan ka soo qayb galay warbaahinta kala duwan ee ka hawlgasha magaalada hargaysa ururka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA ururda bulshada rayidkaa iyo xukuumada oo ay ka socdeen wasiirada wasaaradaha amniga arimaha bulshada arimaha diinta tignoolajiyada qorshanta qaranka iyo wasiirka warfaafinta

ugu horay waxa halkaasi madasha hiba furay agaasimaha guud ee idaacada raadyaw hargaysa waxaanu ka sheekeeyay agaasimuhu maraaxilka kala duwan ee ay warbaahinta somaliland soo martay sidoo kale waxa uu ku dheeraaday xadhiga lagula koco warbaahinta madax banaan

gudoomiyaha ururka suxufiyiinta somaliland ee solja ayaa sheegay in xukuumadu ay cadaadis aada saartay warbaahinta madax banaan iyadoo uu sheegay gudoomiye xuuto in sanad kan tiro wariyayaal ah xabsiga loo taxaabay iyadoon maxkamad aan lagayn isaga oo til maamay dhawr gobal

dhankiisa waxa mikirifoonka qabsaday wasiir maxamed kaahin oo til maamay eedahaa xuuto u soo jeediyay inaanay ahayn qaar uu la qabo oo ay yihiin qaar iyagu layska tilmaamay waxaanu yidhi wasiirku ” anigu waxaan xidhinay markaan ceel afwayn joogay laba suxufi oo isku diray laba beelood oo ku dagaala maayay deegaankaasi labadaasi suxufi oo u kala warqaadi jiray labada beelod ee walaalaha ah ” ayuu yidhi wasiirku

wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta ayaa sina madasha ka hadlay isaga oo ku dheeraaday inuu kulankani ahaa mid muhiima oo ay filaayay inuu sidan u qabsoomi doono waxaanu sheegay wasiir guray barwaaqo ina aanu isagu intii uu joogay wasaarada aanu suxufina xidhin balse gudoomiye xuuto la bartay inuu yidhaa wasiir guray barwaaqo ayaa suxufiiyn xidhy

shirkan ayaa waxa uu socon doona mudo laba cisho ah iyadoo halkaasi lagu gorfayn doono laguna lafaguri doona saxaafada iyo duruufaheeda ku gadaaman

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News