Raadgoob.com
“Waan Isaka Casilay Xilkii Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland hadana xilka Igala Wareega” Gudoomiye Maxamed Shukri
December 30, 2018 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Gudoomiyihii Rugta ganacsiga Somaliland mudane Maxamed Shugri ayaa  maanta waxa uu shaaciyey in uu xilkii iska casilay isaga oon gudoomiyhu bulshada u cadayn sababta uu xilka isaga casilay walawse warar nasoo gaadhaya ay sheegaya in uu xilkaas gudoomiyhu isu casilay laba sababood mid uun

waxa dhawaan magaalada hargaysa ku soo dhamaday carwo ganacsiyeedkii sanadka la qaban jiray oo halkaasi ay khilaaf wayun ku soo kala dhex galay gudoomiyaha rugta ganacsiga gudoomiye ku xigeewnka iyo gudida fulinta ragtaasi

sidoo kale magaalada burco waxa xaalada caafimaad u jiifa abwaan hadraawi dhawaan waxa abwaanka booqday abwaano waa wayn oo magaalada hargaysa ka anbabaxy waxaana kharashka ay ku bexeen bixisay rugta ganacsiga somaliland walawse markii magaalada la tagay khilaaf dhacay awgii ay abwaanadii qaar kamid ah ay soo noqodeen

gudoomiyaha maanta is casilay waxa ay warbaahintu isku dayeen inay qod qodaan oo ay ogaadan sababta keentay xiligan inuu is casilo laakin muu ogalaanayn inuu sheego sababta ka dan baysay is casilaadiisan waxaanu hadalkiisi ku soo af meeray waxaan isu casilay sababo aniga iigaara

gudoomiye maxamed shukri waxa uu xilkan hayay mudo dhan 8 sano oo xidhiidha laakin maanta waxa uu isu casilay sababo u gaara oo bulshadu aanay ilaa hada warka ahyn maadama uu ahaa masuul xil u haya bulshada

gabagabadii maxamed shukri waxa uu halkaasi isku raaciyay is casilaad iyo xil wareejin degh dega

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News