Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire Oo Xilkii U kala Wareejiyay Agaasimihii Hore Ee Wasaaradan Iyo Agaasimaha Cusub | Raadgoob
Raadgoob.com
Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire Oo Xilkii U kala Wareejiyay Agaasimihii Hore Ee Wasaaradan Iyo Agaasimaha Cusub
January 5, 2019 - Written by admin

Magaalada Hargaysa Waxa lagu qabtay Xaflad Ay xilalka kula kala wareegayen agaasimihii hore ee wasarada horumarinta maaliyada Somaliland candiraxman sheekh hassan ismail iyo agaasimaha cusub ee dhawwan madaxweyne muuse biixi cabdi usoo magacabay maamulka wasaradadni maxamed cabdi gurxan

Munaaxadabad Xalflada Ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirka wasarada horumarinta maaliyada somaliland Dr: sacad cali shire agaasime waaxeedyadada wasaradada horumarinta maaliyada masuuliyin kamid ah xukumada madaxweyne biixi shaqale weynaha wasarada iyo mudan iyo marti sharaf kale

Agaasimaha waaxda shaqalaha iyo Taliyaha la’aanta cashuuraha bariga ee wasarada horumarinta maaliyada ayaaa ugu horeyn madashani ka hadlay iyagoo soo dhaweeyey agaasimaha cusub islamarkana sagootiyey agaasimihii hore

agaasimihii hore ee wasarada horumarinta maaliyada cabdiraxman sheekh hasan ismail ayaaa ka warbixiyey waxyabihii u qabsoomay intii uu xilka hayey halka Agaasimaha cusub ee wasarada horumarinta maaliyada maxamed cabdi gurxan ayaa aad ugu mahadnaqay madaxweynaha somalioand ee xilkani usoo magaacabay islmarkana waxa uu ummada ka codsaday inay xilkani ugu duceeyeen isaga oo sheegayna inuu halka uusoo gaadhsiiyey agaasimihii hore uu isna kor uga sii qaadi doono

Cabdiqaadir sheekh maxamuud dhagaweyne wasiir kuxigeen wasarada horumarinta maaliyada ayaaa isna dhankiisa ka markhaati kacay dedaalka agaasimhii hore waa wasarada horumarinta maaliyada islamarkana soo dhaweyey agaasimaha cusub

gabagabadii waxa hadalka qaatay wasiirka wasarada horumarinta maaliyada isagoo sitoosa xilalkii ugu kala wareejiyey agaasimaha cusub iyo agaasimihii hore ee wasaradaasi

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warkan

COMMENTS
Latest News