Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Booqday Xaruunta Dowlada Hoose Ee Hargaysa Iyo Mashruuca JPLJ-ga | Raadgoob
Raadgoob.com
Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Booqday Xaruunta Dowlada Hoose Ee Hargaysa Iyo Mashruuca JPLJ-ga
January 6, 2019 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Madaxwayne ku xigeenka somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaacil Saylic iyo qaar kamid ah wasiirda xukuumada somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha bulshada wasiirka waxbarashada wasiirku xigeenka amniga wasiir ku xigeenka caafimaadka wasiir ku xigeenka qorshaynta qaranka agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada agaasimaha guud ee wasaarada maal gashiga iyo horumarinta ayaa saaka muuqday xaruunta dowlada hoose ee magaalada hargaysa

halkaas oo uu waftiga ku soo dhaweeyay maayirka caasimada hargaysa ku xigeenkiisa iyo masuuliyiinta dowlada hoose waxaana ay kormeeren mashruuca horumarinta dowlada hoose ee loo yaqaano JPLJ

Waxaan mashruucan iyo sida uu u fulay fah faahin ka bixiyay agaasimaha waaxda arimaha bulshada ee dowlada hoose agasiimaha qorshanta iyo agaasimaha dam damiska

Dhankooda iyaguna waxa halkaasi ka hadlay maayirka caasimada hargaysa iyo maayir ku xigeenkiisa iyaga oo labadooduba ku dheeraday mashruucan iyo sida ay u fuliyeen ee ay bulshada u gaadh siiyen waxaan ay halkaasi ku soo bandhigeen goobihii ay mashruucan ka fuliyeen iyo inta goobood ee ay gaadhsiiyen

Dhankiisa waxa madasha ka hadlay madaxwayne ku xigeenka somaliland C/raxmaan Saylici isaga oo uga mahad naqay masuuliyiinta dowlada hoose iyo shaqaala hoodaba sida ay mashruucan horumarinta dwlada hoose uga faa’idays teen ee ay bulshada u gaadh siiyeen

waxaana gabagabadii waftigan uu madaxwayne ku xigeenku hogaaminaayo iyo masuuliyiinta dowlada hooseba booqdeen goobihii mashruucani ka fulay haday iskuul tahay iyo haday sariibad tahayba iyo qaar kale oo badan

Halkan Hoose Ka Dawwo Muuqaalka Warkan 

COMMENTS
Latest News