Kulan Ay Maanta Wada Qaaten Gudoomiyaha Maxkamada Sare Iyo Gudoomiyaha Jaamacada Bader | Raadgoob
Raadgoob.com
Kulan Ay Maanta Wada Qaaten Gudoomiyaha Maxkamada Sare Iyo Gudoomiyaha Jaamacada Bader
January 13, 2019 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Kulan maanta ay wada qaateen gudoomiyaha maxkamada sare Aaden xaaji Cali ahmed iyo gudoomiyaha jamacada caalamiga ah ee beder

ayaa waxa kaga wada hadleen labada gudoomiye sidii jamacadu beder uga qayb qaadan lahayd waxbarida iyo tayeynta garsoorka somaliland islmarkana la xoojiyo tacliinta hawl wadeenada ka shaqeeyada hayada garsoorka  somaliland maadama ay jamacadu hayso barayaal aad ugu xeel dheer cilmiga garsoorka iyo maamulka haday tahay tayenta xeer ilaaliyayaal kaaliyaaal qareeno iyo cidkasta oo waaxdaasi ka shaqeysa

waxanu sheegay gudoomiyaha maxkamadada sare in uu jiro olole weyn oo jamacadaha dalka heshiisyo kula galeen.

Dhanka kale gudoomiyaha jamacada caalamiga ah beder ayaa sheegay inay sharaf u tahay inay heshiis wada galeen ka jamacad ahaan maxkamada sare somaliland islmarkana ay jamacada beder ay diyaar utahay inay si buuxda uga qayb qaadato tayeynta iyo waxbarida garsoorka Dalka somaliland

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warkan

COMMENTS
Latest News