Raadgoob.com
Lionel Messi Mise Cristiano Ronaldo? Waa Kuma Dilaaga Final-ada Ee Labada Nin Ee Kubadda Cagta Caalamka Haysta? Iyamaase Saamayn Badan Kulamadaas?
January 17, 2019 - Written by admin

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa koobkiisii ugu horreeyay kula guuleystay kooxdiisa isaga oo dhaliyay goolkii guusha ee ay AC Milan kaga qaadeen Supercoppa Italiana isla markaana Koobkii afraad ee SuperCoppa ah Juve ka saaciday toddobadii sano ee ugu dambeeyay.

Miiska koobabka ee Ronaldo ayaa ah mid haatan kordhay isaga oo koobab kula soo guuleystay saddex kamid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub waxaana uu rajaynayaa inuu horyaalka Serie A liiska ku darsado bilaha soo socda.

Ronaldo ayaa sanadihii ugu dambeeyay kubadda cagta ay si toos ah ugu soo loolamayeen Lionel Messi oo Barcelona ka tirsan iyaga oo si toos ah ugu dagaalamayay abaalmarinaha shaqsiga ah.

Labada xiddig ayaa labaduba gali doonaa buugta taariikhda kubadda cagta haddana midaas ayaan jamaahiirta ka joojinin inay isbar-bardhigaan.

Inkasta oo goolasha iyo caawintu ay yihiin waxa ugu muhiimsan marka ay noqoto bandhiga shaqsiga ah haddana hab ciyaareedka guud ee kulamada Finalada ayaa ah waxa ugu muhiimsan.

Haddaba, Waxa aa halkan ku xusi doonaa xogta dhabta ah ee labadan shaqsi ka haystaan kulamada kama dambaysta ah ee aay kooxahooda soo mataleen, Midka saamaynta shaqsiyan ee badan leh iyo guud ahaan sida ay kooxahoodu ugu soo kala guuleyteen koobabkaas cel celis ahaan inta ay ka noqonayaan.

Ronaldo ayaa markasta loo tix geliyaa inuu yahay xiddiga inta ugu badan saamayn keena marka lagu gudo jiro Final muhiim ah laakiin midaasi ma tahay xaqiiqo xogtuse maxay ka tidhi?

Hagaag, CR7 ayaa 19 gool soo dhaliyay isla markaana laba gool soo caawiyay 27 kulan Final oo uu ciyaaray isaga oo cel celiskiisa gool ka qayb qaadasho uu yahay 0.77 mudada uu kasoo tirsanaa kooxaha Sporting Lisbon, Man United, Real Madrid iyo Juventus.

Dhinaca kale, Messi ayaa soo dhaliyay 28 gool isaga oo soo caawiyay 14 kale kaddib 33 kulan Final oo uu ciyaaray waxaana cel celiskiisa gool ka qayb qaadasho yahay 1.27.

Intaa waxa dheer, In Messi uu 80% kusoo guuleystay koobabka heer kooxeed ee ay Barcelona ka qayb qaadatay mudada uu ciyaarayay halka Ronaldo uu koobabka uu kooxahiisa kala duwan lasoo qaaday uu kusoo guuleystay 70%.

Dhinaca kulamada Final-ka, Ronaldo ayaa ku hoggaamiyay dalkiisa Portugal Koobka Euro ee sanadkii 2016 halka Messi gabi ahaanba afar kulan Final oo uu la gaadhay Argentina afka ciida loo daray.

 

COMMENTS
Latest News