Raadgoob.com
Kulan Xasaasi Ah Oo Madaxwaynaha Soomaaliya Farmaajo Iyo Madaxda Maamul Gobaleedada Uga Socda Puntland
January 27, 2019 - Written by admin

Warar Hoose Oo Magaalada Garoowe Laga Helayo ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo kulan xasaasi ah ay leeyihiin Madaxweynaha Dowlada federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Kulanka labada dhinac u socda waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, kulanka ayaana looga hadlayaa sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka dowlada federaalka iyo Maamul goboleedyada Soomaaliya dhex Yaala

Sida aan wararka ku heleyno kulanka ayaa ah mid albaabada u xidhan yihiin, waxaana goob joog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda kale ee maamul goboleedyada Soomaaliya waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka ah siyaasiyiin saameyn badan ku leh siyaasada.

Madaxweynaha Puntland oo hal meel isugu keenay Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo siyaasad ahaan iska soo horjeeday ayaa hadana doonaya in xal siyaasadeed iyo heshiis ku dhameeyo khilaafka taagan.

Khudbadihii xalay inta badan ka jeediyeen Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu dalbanayay in la isku tanaasulo xalna laga gaadho khilaafka u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada.

La Soco Wixii Warar Ah Ee Kulankaas Ku Saab San

 

COMMENTS
Latest News