Raadgoob.com
“Hal Sano Oo Xayiraada Sadex Milyan Oo Ganaaxa” Waa Xukunka Lagu Riday Wargaysa Foore
February 10, 2019 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Maxkamada Gobalka Maroodi-Jeex oo mudooyinkii ugu danbeysay gacanta ku haysay  dacwado lagu soo oogay Wargeys-ka Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa saaka xukun ka soo saartey dacwadaasi .

 Maxkamada ayaa saaka amartey in Wargeys-ka Foore ay xayirtey muddo hal sanno ah isla markaana ay ku ganaaxdey saddex Milyan oo ganaax ah .

Maxkamada ayaa sidoo kale xidhay Tifatirihii wargeyska Foore Maxamed Ilkacase ilaa iyo inta la soo shubaayo lacagta ganaaxa ah ee Saddex Milyan ah ee lagu xukumay

Geesta kale maamulka wargaysa Foore Ayaan Ku Qancin xukunka ay maxkamadu ku riday Wargayskoodi FOORE

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqada Maxkamada Ee Xukunka Wargayska Foore

No photo description available.

COMMENTS
Latest News