Raadgoob.com
Ciidamada Amniga Puntland oo ka hortagay weerar uga Imaan Lahaa AL SHABAAB
February 17, 2019 - Written by admin

Qoraal kooban oo ay ku daabaceen barta ay ciidamada PSF ku leeyihiin facebook-ga ayaa lagu sheegay in howgaladan ay ciidamadu uga hortageen weerarka uga imaan lahaa dhinaca Alshabaab ay ka fuliyeen Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer oo kamid ah buuraha Cal madow ee gobolka Bari Puntland.

Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa fuliyey hawlgallo ay kaga hortagayaan argagixisada ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer,kuwaas oo damacsanaa in ay soo weeraraan goobaha ay ciidamada Puntland kaga sugan yihiin Buuraha Cal Madow, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Ciidamada PSF-ta Puntland.

Mudooyinkii ugu dambeeyya Ciidamada amniga Puntland ee PSF ayaa kordhiyay howlgalada ay ka fulinayaan Buuraha Calmadow ee gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan ururada Daacish iyo Alshabaab.

Ciidanka PSF oo jooga Buuraha Calmadow

 

COMMENTS
Latest News