Raadgoob.com
Maxay Kaga Wada Hadleen Kulan Koodii Madaxwanayaasha Jabuuti Iyo Soomaaliya
February 20, 2019 - Written by admin
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle,iyadoo war saxaafadeed uu baajiyay xafiiska madaxweyne Farmaajo lagu sheegay wada-hadalka inuu ahaa ‘miradhal’.

“Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidammada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ka qaateen  xasillinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah.

Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).

COMMENTS
Latest News