Raadgoob.com
Xog Rasmiya Oo La Xidhiidha Baaqashada Ku Timi Kulnkii Farmaajo Iyo Muuse Biixi Ee Dalka Itoobiya
February 20, 2019 - Written by admin

Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in inuu baaqday kulan la qorsheynayey in maanta uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo magaalada Addis Ababa kula yeesho madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Farmaajo oo xalay soo gaadhay magaalada Jabuuti, wadahadalna maanta la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadda kasoo duulay Jabuuti, isaga oo kusoo wajahan Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in Farmaajo ka baaqday safarkii Itoobiya iyo kulankii ay qabanqaabisay Itoobiya ee  dhex mario lahaa isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in inkasta oo kulanka la isku raacay markii hore haddana la isku qabtay qodobo muhiim ah oo ku saabsan wada-hadalka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Maanta safray magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad uu u soo diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu xaqiijiyey in Muuse Biixi uusan Addis-Ababa kula kulmi doonin cid aan ahayn Abiy Ahmed.

Ilaa iyo hadda si cad looma oga qodobada la isku qabtay, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Farmaajo diiday in wada-hadalka saddex geesood noqdo, oo Itoobiya qeyb ka noqoto sida Muuse Biixi uu rabo, balse Farmaajo uu doonayo in Itoobiya ay lahaato kaliya door qaban-qaabin kaliya.

Muuse Biixi ayaa horey shuruud uga dhigay inuusan aamini karin dowladda Soomaaliya, sidaas darteed wada-hadal kasta oo uu la galo ay qasab tahay inay dhinac saddexaad goobjoogo ka noqoto.

Farmaajo ayaa aaminsan in Soomaalida ay ayagu un waxooda dhameystaan.

 

Xigasho Caasimada 

COMMENTS
Latest News