Raadgoob.com
Dowladda Soomaaliya oo saraakiil u xidh xidhay tacaddi loo geystay suxufiyiin Soomaaliyeed
February 22, 2019 - Written by Dool

War ay qortay warbaahinta dowladda Soomaaliya taliyaha ururka 60-aad ayaa ku wargaliyay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle in Saddex Sarkaal ay u xiran yihiin tacaddi lagula kacay wariyeyaal Soomaaliyeed.

Falkan ayaa  dhacay 18kii Bishan, waxaana baraha bulshadda  lagu baahiyay muuqaalka saddex wariye oo Lugaha iyo Gacmaha inta laga xiray la dhigay meel qorax ah magaalada Muqdisho.

Saraakiisha la xiray ayaa la sheegay in ay mas’uul ka ahaayeen tacadiga lagula kacay wariyayaasha , islamarkaana su’aalo weydiinayaan arintan ku saabsan laamaha Danbi barista dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya shaacisay in saraakiil ciidan loo xiray tacadi lagula kacay suxufiyiin Soomaaliyeed oo inta badan cabasho ka muujiyeen hab dhaqanka ciidamada dowladda marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo

COMMENTS
Latest News