Raadgoob.com
Waa Maxay U Jeedka Safarka Madaxwayne Farmaajo Ee Dalka Masar
February 23, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Sharma Sheekh dalka Masar.

 Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu kulan la yeesho dhigiisa Masar dalka C/fitaax Al-SiiSi, waxaana uu sidoo kale qeyb gali doonaa Shirka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo halkaasi ka furmi doona.

Shirkaasi ayaa inta badan waxaa ka qeyb gali doona hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Madaxda Midowga Yurub, waxaana lagu soo bandhigi doonaa Qorshaha Midowga Yurub ee dalalka Carabta.

Madaxweynaha ayaa maalin uun ka hor ka soo laabtay safar uu ku tagay dalalka Burnudi iyo Jabuuti isaga oo halkaa kulamo kula yeeshay madaxda labada wadan.

COMMENTS
Latest News